Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo saddex masuul oo cusub u magacaabay Kastamka Berbera

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa 6, June 2012 (Qurbejoog.com)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maamule cusub iyo laba kuxigeen u magacaabay Kastamka Berbera.

Sida lagu sheegay degreetada magacaabista ah; wasiirka Maaliyaddu waxa uu maamulaha cusub ee Kastamka Berbera u magacaabay Mr. Maxamed Cabdi Gurxan, iyadoo uu laba xubnood oo kala ah; Cabdullaahi Caydiid Jaamac iyo Saleebaan Goox Faarax u magacaabay kuxigeenada masuulka cusub.

Magacaabistani waxay ka dambaysay markii uu Jimcihii shil baabuur ku geeriyooday maamulihii Kastamka Berbera marxuum Cali Axmed Bulbul.

Sida la sheegay, maamulaha cusub ee Kastamka Berbera waxa uu hore u hayay xilka agaasimaha Cashuuraha Beriga ee waaaradda Maaliyadda Somaliland.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>