Geeridu waa xaq
Waxaa shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya Gudoomiyihii hore ee baarlaamanka Soomaaliya marxum Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo ahaa ruug cadaa siyaasi soomaliyeed.
Waxaa manata shir deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirada Ku xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise oo uu shir gudoominayay islamarkaana laga soo saaray in gudoomiyhii hore ee baarlamaanka soomaaliyeed Marxuum Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen loo sameeyo tacsi iyo Aas qaran Calankana hoos loo dhigo mudo 3 casho ah oo ka bilaamaysa maanta.
Sheekh Mukhtaar waxa lagu yaqaanay nin aad ugu weyntahay Soomaalinimada, cadaalada iyo sinaantana u ololeeya, waxana uu ahaa Sheekh ku takhasusay shareecada Islaamka.
Waxaan u saarnay gudi qaban qaabiya aas qaran oo loo samaynayo maalinka jimcaha.
Gudiga oo ah heer wasiir ayaa ka kooban:
1. Wasiirka Cadalada iyo Arimaha Diinta oo ah Gudoomiye Gudiga
2. Wasiirka Arrimaha Dibadda
3. Wasiirka gaadiidka Cirka iyo dhulka
4. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha
5. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Baarlamaanka
6. Wasiiru Dowlaha maaliyadda
7. Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo isboortiga
Taariikhda Sheekh Muqtaar oo kooban
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com