Shacab la xasuuqayo, Misna Kaalmo la waydiisanayo!!!

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho, 16 June 2012-(SDN)   Al Shabaab ayaa markii ay la wareegeen degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud June 10, 2012 waxa ay la kulmeen is badallo dhanka shacabka ah oo ku aaddan cabsi laga qabo Saraakiishooda iyo Ciidamadooda.

Marka haddii Al Shabaab shacabkii ku noolaa degmada Ceel-buur ay ka wada baqayaan oo dadkii oo dhan ay noqdeen kuwa (Ashuun Ku addin ah), Shabaab Magaalada maxay u qabsadeen, maxaysa ka faa iideyaan illeen shacabkiiba kuma qanacsano.

Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia ayaa isaga baxay degmada, Shabaabna waxa usuuro gashay inay gacanta ku qabsadaan degmada iyadoo aan ka dhicin wax dagaal ah, waxana ciidamada Ethiopia iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku nasteen oo ay saldhigteen deegaanka Wabxo oo aan sidaasi ugu fogeyn degmada Ceel-buur.

Al Shabaab oo haysta Ceel-waaq, Ciilna u qaba dad lagu eedeeyay inay ka gacan saar la lahaayeen Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay qoorta kaga jareen bartamaha Magaaladaasi.

Muddo labo maalmood gudahooda ayaa waxa magaalada lasoo dhigay meydadka ku dhawaad 10-ruux oo dhamaantooda qoorta ay kasoo jareen Al Shabaab.

Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Ethiopia way isaga baxeen Wabxo oo waxay u ruqaansadeen Guriceel, islamarkiiba Shabaab ayaa qabsaday haddana deegaanka Wabxo, meeshaasina waxaa la sheegay in Shabaabku ay ku dileen dad aan tiradoodu la cayimin. 

“Adiga cid aad la hadli kartid malahan, qof waliba isaga ayaa baqanaya oo wuxuu isleeyahay goormee laguu imaadaa oo aadna qoorta laga jaraa, waayo maanta haddaadan arkin qof lasoo qalay oo ilbaabkaaga la horkeenin birri ayaad arkeysaa” sidaasi wax tiri Haweenay ku sugan gudaha degmadaasi.

Qoysaskaani oo gaaraya ku dhawaad 200-oo qoys  ayaa ka barakacay Magaalada  Ceel-buur kuwaasi oo sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka iyo tacadiyada ay kala kulmaan Kooxda Al Shabaab.

Haddaba iyadoo ay intaasi dhibaato jirto ayaa haddana Shabaabka waxa uu taageero waydiisanayaa Shacabkii uu halaagayay oo uu qoorta ka jarayay YAAB!

Guddoomiyaha Kooxda Al Shabaab ee gobolka Galgaduud Cawaale Max’ed Cali oo shalay la hadlay shacab aan badneyn oo lagu qasbay inay ka qeyb galaan Muxaadaro uu jeedinayay ayaa isagoo og inaysan dhago u aheyn shacabka dhagaysanaya waxa uu sheegayo ayaa waxa uu ka dalbaday inay taageeraan. YAAB!

Hubaal waxa ah in dadkaasi lasoo qasbay loogu cago jugleeyay waa la idin qalaa iyo waxyaabo la mid ah haddii aad ka qeyb gali waysaan Muxaadarada, waxaana shacabka Ceel-buur ay noqdeen kuwa niyadda ka jabay oo Caloosha ka ooyay maadaama aysan waxba ka qaban karrin dhibaatooyinka lagu hayo.

Al Shabaab oo u muuqda in Jabkooda iyo burburkooda ay ka aarsanayaan Shacabka ayaa waxa ay isugu dareen shacabka Dil loo adeegsado Goorac, Dhac farsameysan oo loo soo marayo Sakooyin iyo Waxyaabo la mid ah, xarrig, handadaad iyo waxyaabo kale oo ka baxsan bini’aadannimada.

Culumaa’uddiin Soomaaliyeed oo ka hadlay ficillada gurracan Al Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in Diin iska daayee waxa ay u dagaalamayaan xitaa aan u dhabeyn, waayo qof waliba oo bini’aadan ah maanta waxa uu og yahay in Diinta Islaamka ay tahay mid Nasteexo ah, hase ahaatee aan aheyn mid la isku caburiyo oo la isku dilo oo la isku dhaco.

Shacab La gooracay, Shacab Calooshooda laga Ooysiiyay oo Haddana Kaalmo la waydiisanaayo. YAAB!

SDN-Muqdisho 

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>