Muqdisho June 23, 2012(SDN)- Akhristayaasha Sharafta leh waxaan ku wargalinayaa in maanta Warbixintaani aaan ku eegayo horumarka dhinaca Nabadda ah ee laga gaaray Magaalada Muqdisho.
Muddo kaddib Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxa ay kasoo ka kabanaysaa dhibaatooyinka ammaan xumi iyo jaahilnimadii mudada dheer ka taagneyd.
Inkastoo Muqdisho ay soo martay Marxalado kala duwan, haddana maanta waxa ay maraysaa meel shacabka Soomaaliyeed niyadda u dhisaysa markii ay isla bar bar dhigaan Marxaladihii hore. Waayo waxaa jiray dagaalo Sokeeye oo ay horjoogayaal u ahaayeen qab qablayaal dagaal, waxa jiray isku dilka qaab qabiil ah, waxaa jiray dad badan oo isaga cararay dalka, waxaa jiray dadka aan awoodda laheyn oo si cad loogu tunto waliba iyo waxyaabo kale oo aan lagu soo koobi karin Warbixinta.
Haddii aan aniga iska soo qaado, Muqdisho waan ku dhashay waana kusoo bar baaray, muddo 20-sano ah, intii ay soceen dhibaatooyinka, kuma dhiiran inaan aado meel ka baxsan degmadeyda oo aheyd degmada Wadajir ee gobolka Banaadir amma inaan damaashaad u aado Asxabteyda laakiin maanta arrinta way ka badalan tahay intaasi oo waxan awoodaa inaan meel waliba tago, xilligaan doonana aan socodo.
Saameynta ugu badanba haku yeelatee dadka shacabka ah, maanta waxa ay dareemayaa Neecow nabadeed iyo is dhex gal bulsho oo ka yimid Nabadda Muqdisho. waayo waqti koobban ayay Muqdisho is badalaysaa.
Waxaa kusoo qul qulay dad muddo dalka ka maqnaa, kuwaasi oo bilaabay gancsi, dhismo iyo mashaariicyo kale oo ay shaqo ka heleen dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ku ahaa Muqdisho, taasina waa qeyb ka mid ah Nabadda.
Muddo ka badan 20-sano Muqdisho lagama aqoon in socdo xilliyada habeenkii, qof walibana wuxuu ku qasbanaa in uu seexdo halka uu gabalka ugu dhaco, waayo waxa dhacayay dabeylo colaadeed iyo burcadeyn taasi oo sababtay in dad badan ay Naftooda ku waayeen.
Laakiin waqtigaani la joogo Muqdisho wax ay u jiheysatay dhinaca Nabadda, iyadoo dad badan Muqdisho aqoon u lahaana ay ka muujiyeen rajo wanaagsan, dadkaasi ayaa sheegay in Muqdisho ay u muuqato inay noqotay sidii ay barri aheyd, waxaana dadka mararka qaar kusoo dhacaya Heesii caanka ahaa oo ay ku luqeyn jireen Hobolada Waaberi, Tusaale Ahaan heesta ay ku luqeyso Fanaanadda Caanka ah ee Hibo Max’ed Hibo Nuur oo ay ku laheyd ( Ma’ogtihiin Magaaladii Muqdisho aynu Joognaa). Taasina waxaa sababay Isbadalka muuqda iyo dhaqaalaha farabadan ee la galinayo Magaalada Muqdisho.
“Waxaan soo maray Waqti Iska daa in laga sheekeeyee, haddii lasoo xusuuto ay ilmo kaasoo daadanayso, tusaale ahaan, maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaan arkay Islaan ay ka muuqato Daruuf nololeed oo haysata islamarkaana gacanta ka haysa Ilmo yar oo dan daraysan, oo xitaa aan awoodin socodka, oo kasoo qaxay Xaafadahoodii uu dagaal ka qarxay, taasi oo keentay inaan tiriyo Gabay la yiraahdo MUQDISHAA HADLEYSA” sidaasi waxa yiri Abawaan C/raxeed Aadan.
Nuxurka, Magaalada Muqdisho maanta mise shalay iyo doraad, waxaana shaki ku jirin in jawiga uu aad isku badalay, waayo meel waliba waxaa ka socda dhismooyinka aad u quruxbadan, inta badan gawaaridii ayaa isaga kala goosha Muqdisho, taasina waxa sahashay Nabadda yar ee la helay.
“ Aduunyo waan soo marnay, marxalado kala gadisanna Muqdisho way soo martay ee Allah naga dhigo kuwii ka shakeeya, saacaddu waa 11:00-saac Shan-Saac Habeenimo, goormee kugu dambeysay in la wareego, goormee kugu dambeysay in lagu fadhi diriro ku raasta Baararka, goormee kugu dambeysay in xilligaad rabto aad u hoyoto Gurigaag” ayuu yiri C/xamiid Cali Xuseen oo ka mid ah Odayaasha Soomaaliyed.
“Habeenkii markii aan dhaho Hurdada waan ku deg degtay, waxaan seexdaa Lixsaac, waan iska soo wareegaa, Asxaabteyda ayaan lasoo damaashaa, cabsina adiga ayaaba sheegaayo” sidaasi waxa yiri Cabdi Cali oo ka mid ah dhalinyarada Muqdisho.
Qofna ma dafi karto horumarka hadda ay ku talaabsanayso Muqdisho, waxaana shaki ku jirin in muddo gaaban Muqdisho ay heer sare ku noqonayso haddii Xaaladdu ay sidaani kusii socoto.
Haddii aan maqli jirtay qof hebel Xabadbaa ku dhacday oo wuu dhintay, maanta arrinta ma joogto Fool xumidaas, ee waxay maraysaa Qof hebel iyo Asxaabtiisa maanta waxay aadeen Damaashaadka Xeebta Liido ama Jasiira, halkaasi waxa ka cabiri kartaa ififaalaha Muujinaya Nabadda.
Culumo Soomaaliyeed ayaa ku doceynaya in Muqdisho ay horey usii talaabsato, shacab farabadanna way ka ajiibiniyaan oo waxa ay leeyihiin Amiin illaahoow Aqbal.
Markan ka hadalno dhibaatooyinka mararka qaar ka dhaca Muqdisho maku tilmaami karno mid Muqdisho ka dhig karta ammaan darri, waayo Aduunka ayaa waxa mararka qaar ka dhaca falal ammaan darri, laakiin muhiimaddu ayaa waxa ah shacabka Muqdisho maanta ma dareensan yihiin Neecaw Nabadeed.
Jawaabto waxay tahay Haa, oo awal hore dhibaato ayaa jirtay waxay aheyd goormuu dagaal ka bilowdaa degmo hebel oo ka tirsan Muqdisho aad adigana ku sugan tahay, haddase iska bax oo meeshaad rabto ka aad Muqdisho ayay arrintu taagan tahay.
Aan U doceyno Muqdisho, waayo Dambi mar hore la galay ayaa Ciqaabtiisa la marayaa
Max’ed Max’ud Tuuryare (Shaluunge@hotmail.com)
SDN-Nairobi
Contact@somalidiasporanews.com