Anwar Sheekh:Hargeysa ma waxa iska sharixi kara ruuxa aabihii 1930kii aqalo kulahaa mise ka aqalka kirada ah ku jira(DHEGEYSO)

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa July 01 2012(SDN)-Guddimiyaha Jaaliyada Somaliland ee magaalada Edmonton Canada Md Anwar Sheekh Cabddala ayaanu ka wareysanay dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin xaalada reer Somaliland ee Canada iyo tartanka ololaha dooroshooyinka golaha degaaka Somaliland.

Md Anwar Sheekh Cabdalla ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalo dhawaan ka soo yeeray tiro xildhibaano ah iyo mid ka mida suldaanada magaalada Hargeysa oo ay ku sheegeen in aaney degaanka Caasimada iska soo sharixin cid aan u dhalan.

Guddoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee magaalada Edmonton ee dalka Canada ayaa hadalkaa ku tilmaamay mid aan meesha qaban.

Md Anwar ayaa waxa uu sheegay in loo baahan yahay in golleyaasha degaanka loo doorto cid wax tar iyo tayo u leh degaanka Hargeysa ee aan la qabyaaladeyn.

HALKAN GUJI SI AAD UGA BOGATO WAREYSIGA GUDDOOMIYAHA JAALIYADA EDMONTON MD ANWAR SHEEKH

Kala xiriir Anwar Sheekh       Anwarmay-18@live.com

One Response to Anwar Sheekh:Hargeysa ma waxa iska sharixi kara ruuxa aabihii 1930kii aqalo kulahaa mise ka aqalka kirada ah ku jira(DHEGEYSO)

  1. waxaan doonayaa inaan inyar ka idhaahdo arrinta golaha deegaanka cidda iska sharixi karta magaalada hargeysa oo ay dadka qaarkii ay aaminsanyihiin in aanay iska sharxi karin q of aan udhalan hargeysa,waxaa fiican in dadku fahmo waxyaabaha qofka musharaxa ah lagu doorto,sideedaba qofku wuxuu wax ugu qabtaa ummadiisa damiir,garasho,aqoon,waayo aragnimo iyo dadaal uu ilaahay qofkaa u dhaliyey.hadaba waxaan adhan lahaa ha laga daayo fikirkan loo eegayo musharuxu halkuu ka soo jeedo.Suldaankana waxaan odhan lahaa karaamadaadu waxay ku jirtaa inaad waxa wanaagsan ka taliso ee aanad noqon suldaan ay iska dhexgashay siyaasada iyo arrin dhaqameedka aad masuulka ka tahay,xildhibaanada fikirkan aaminsana waxaan odhan lahaa muddo ayaad xildhibaano ahaydeen gaar ahaan(ISMAACIIL CAYMIS)wax qabadkaana ummadu wey ogtahay waxaad ka baqanaysaa dadkle wax qaban kara ummadana ka kasbada kalsooni iyo cod inay kugu soo baxaan.

    ahmed
    July 4, 2012 at 9:18 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>