Dhooblay July 02,2012(SDN)- War iminka naga soo gaara Magaalada Dhooblay ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda ay soo furteen Shaqaalihii Ajinabiga ahaa ee dhawaan kooxo hubaysan ay kasoo afduubteen Xerada Qaxootiga ah ee Dhadhaab.
Ciidamada Kenya ayaa isku ballaariyay Magaalada Dhooblay oo laga shaki qabay inay ku sugnaayeen Shaqaalahaasi, waxaana gabi ahaamab la xadiday isu socodka gaadiidka iyo dadka mudadii lasoo dhaafay, waxaana xalay mar dambe usuuro gashay in lasoo furto dadkaasi.
” Magaalada waxa lagu arkay gaari lugta ay xabad kaga taalo oo banjarsan, kollay waxaa lagu waday dadkaasi ajinabiga ah, oo xalay oo dhan ayay socdeen howlgallada xooggan” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
” Shaqaalah Ajaanibta waxay saarnaayeen gawaarida dagaalka ah ee Ciidamada Kenya, waxay kor u taagayeen gacamaha, iyagoo faraxsan, sidoo kale Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladdana gacamaha ayay kor u taagayeen iyagoo dhahay Guul Guul” sidaasi wax tiri Haweenay ka mid ah dadkii isugu soo baxay Magaalada.
Saraakiisha Dowladda ayaa sheegaya in howlgal Militari lagu so furtay dadkaasi, islamarkaana lasoo qabtay qaar ka mid ah kooxihii afduubka gaystay
Xaaladda ayaa degan, waxaana la sheegay in xaaladda Caafimaad ee shaqaalahaasi ay tahay mid wanaagsan islamarkaana aan jirin wax dhibaato ah.
Naga filo faah faahin intaasi ka badan