Kismaayo July 03, 2012(SDN) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyo bambaanooyin oo maalmo ka hor ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Woqooyi bari ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 18-ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen 40-kale.
Sheekh Xasan Takar oo ka mid ah Saraakiisha Kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Al Shabaab, ayna ku halaageen waxa uu ku sheegay Gaallo caabudayay wax ka fog Diinta Islaamka sida uu hadalka u dhigay.
” Waxaan dilnay Dad Masiixiyiin ahaa oo waday camal ka baxsan Diinta Islaamka oo ku sugnaa Kaniisado ay isugu yimaadaan Kufaarta oo ku yaalla Gaarisa, shaki kuma jiro inaan sii ballaarinayno weerarada, qofna yaan shaki gallin inaan ka dambeyno qaraxaasi oo annaagaba sheeganayna oo ka dambeyna Ogaada” sidaasi waxa yiri Xasan Takar oo ka mid ah Saraakiisha Kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Rayla Odinga oo shalay booqasho ku tagay Magaalada Gaarisa gaar ahaan goobihii lala eegtay qaraxyada ayaa waxa uu sheegay in dalkiisa marna uusan isku dhiibeen Al qaacidada Soomaaliya, islamarkaana ay ka go’an tahay ciribtirka Al Shabab.
Sidoo kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in cadaaladda la horkeeno ciddii ka dambeysay weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid arxan darro ah.
Al Shabaab ayaa jawaab cad ka bixinaya soo gallitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya, iyadoo Saraakiil u hadashay ay sheegeen inay burburin doonaan daaraha dhaa dheer ee ku yaalla dalka Kenya.
SDN-Kismaayo
Contact@somalidiasporanews.com