Qalab looga hortagayo Al Shabaab oo lagu xirayo Xuduudda Kenya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Nairobi July 05, 2012(SDN)–  Wasaaradda gaashaandhiga waddanka Kenya ayaa sheegtay in qeybo ka mid ah xadka ay leeyihiin waddanka Soomaaliya ay ku xiri doonaan qalab la shaqeeya dayax gacmeedka oo la doonayo in lagu ogaado shaqsiyaadka Shabaab ka tirsan ee doonaya inay gudaha u galaan waddankaasi Kenya.

Warkaan ayaa xalay baahiyeen warbaahinta Kenya, qalabkaan oo dayax gacmeedka la shaqeeya waxaa loogu talo galay in lagula socdo dhaq dhaqaaqyada ka jira xaduuda iyadoo indho gooni ah loo yeelanayo xubnaha Al-Shabab ka tirsan ee damacsan inay Kenya gudaha u galaan xilliyada habeenkii.

Qalabkaan  oo ay rakibayaan ciidamada dawladda Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya waxaa si gaar ah loogu xirayaa Jaziirada Kiiwayo oo dhinaca badda xaduud kala leh Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska jaziirada Lamu Julius Melly ayaa sheegay in qalabkaan uu ciidamada ka gacan siin doono sugidda ammaanka dalka sida uu yiri.

 Sidoo kale saraakiisha ammaanka Kenya waxaa ay sheegeen in ciidamo fara badan  oo  boolis ah  la geeyay dhulka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya si ay  uga hor tagaan weeraro Shababku waddankaasi ka geystaan.

Al Shabab oo Soomaaliya ciidamada Kenya kula dagaalama waxaa ay argagax badan ku abuureen dawladda Kenya kaddib markii ay dhawr weeraro ka geysteen tan iyo markii ay labada dhinac is qoomeen.

SDN-Nairobi

Contact@somalidiasporanews.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>