Baladweyne July 18,2012(SDN)- Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay uu ka dhaqan galay Bandow kaddib markii shalay Magaaladaasi uu ka dhacay qaraxyo iyo dilal loo gaystay dad badan oo rayid ah.
Xalay ayaa la arkayay in Magaalada oo dhan ay dansaneed islamarkaana kaliya ay wehel u noqotay Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah io kuwa Ethiopia oo howlgallo ballaaran ka sameynayay gudaha Magaaladaasi, sida ay xaqiijinayaan Saraakiisha ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaaladaasi.
” Xalay Magaalada oo dhan bandow ayaa saarnaa, dadka oo dhan ayaa cabsi ku jiray, saakay xaaladda caadi waaye, kollay bandowgaan waxa uu daba socdaa qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada” Sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Ciidamada Ethiopia ayaa shalay Magaaladaasi ku dilay ku dhawaad 11-ruux oo rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana la sheegay in intaasi kaddib haddana howlgallo ay sameeyeen ay kusoo qab qabteen dad ka badan 10-ruux.
Maamulka gobolka Hiiraan ee Dowladda KMG ah ayaa cambaareeyay dilka ay Ciidamada Ethiopian-ka kula dhaqaaqeen dadka shacabka ah, iyagoo ka dalbaday beesha Caalamka in ciidamada Ethiopia laga saaro dalka Soomaaliya.
SDN-Baladweyne
Contact@somalidiasporanews.com