Nairobi July 18,2012(SDN)- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin ayaa la seexiyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Naiorbi ee Xarunta dalka Kenya halkaasi oo lagula sameeyay qaliin dhinaca Wadnaha ah.
Madaxweyne Caalin ayaa la sheegay in muddooyinkii dmabe uu xanuunsanayay islamarkaana loola cararay Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in halkaasi uu muddo 5-saacadood ah uu Koomo ku galay sida uu xaqiijinayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Galmudug Bile Dini Cali.
Agaasimaha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu qatar galay, maadaama xidido wadnaha dhiiga ka qaaday, geeyana Kilyaha ay istaageen. hase ahaatee waxa uu tibaaxay in hadda xaaladdiisa ay tahay mid soo hagaagaysa.
” Madaxweynaha waxaa lagu sameeyay qaliin dhinaca wadnaha ah, muddooyinkii dambe wuu xanuunsanaa, laakiin hadda waa ka baxa koomada, waaana uu wanaagsan yahay” sidaasi waxa mar kale yiri Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka Galmudug Bile Dini Cali.
Warar soo baxayay ayaa waxa ay sheegayeen in Madaxweynaha uu doonayo inuu faraha kala baxo Siyaasadda Maamulka Galmudug islamarkaana uu iska wareejiyo tallada Maamulkaasi, maadaama bisha Augosta la filayo inay doorasho Madaxweynenimo ay ka dhacdo Maamulka Galmudug.
SDN-Nairobi
Contact@somalidiasporanews.com