Dagaal mar kale ka qarxay Gedo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Baardheere July 18,2012(SDN)- Dagaalkaani ayaa waxa uu hadda si toos ah ugu socdaa duleedka Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo halkaasi oo uu shalay ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG Soomaailya oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa hadda qeyb ka ah Ciidamada Ahlu Sunna oo kusoo biiray dagaalka, waxaana rasaas iyo Madaafiic xooggan ay ka dhacaysaa duleedka Magaalada Baardheere oo uu shalay dhiig badan ku daatay.

” Dagaal waan qaadnay, duleedka Bardheere ayuu ka socdaa, faah faahin dheer kuma siin karo waayo xabadda ayaa socota” sidaasi waxa yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidamada huwanta ah ayaa shaaca ka qaaday in u jeedkoodu uu yahay inay qabtaan Magaalada Baardheere oo ay hadda ku sugan yihiin Al Shabaab.

Shacabka ku dhaqan Baardheere ayaa degmada ka baxaya cabsi la xiriirta Madaafiic iyo rasaasta ay isku adeegsanayaan dhinacyada isku haya halkaasi.

Xaaladda oo saacdihii u dambeeyay aheyd mid degan ayaa daqiiqad gudaheeda waxa ku bilowday dagaal xooggan.

Naga filo faah faahin intaasi ka badan haddii alle inoo saamaxo

SDN-Baardheere

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>