Baardheere July 18,2012(SDN)- Xaaladda duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo uu shalay ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in saakay ay tahay mid degan.
Jawiga ayaa caadi ah saakay sida ay xaqiijinayaan dad reer miyi ah, waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee Kenya ay ku sugan yihiin duleedka Magaalada Baardheere oo ay shalay dagaalka xooggan kula galeen Kooxda Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in mar waliba ay ka go’an tahay in shacabka Jubbooyinka iyo kuwa Gedo inay ka dul qaadaan waxa ay ugu yeereen Aargigixiso oo ay ula jeedaan Al Shabaab, iyagoo tibaaxay in AL Shabaab waxa ay ku dagaalamaan inaysan aheyn Diin sida ay hadalka u dhigeen.
11-ruux o ka tirsanaa Al Shabaab ayaa la sheegay in shalay lagu dilay dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanno hoostaga Baardheere sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Website-ka qurbejoog.com hadii alle inoo saamaxo
SDN-Baardheere
Contact@somalidiasporanews.com