Xaqsoor Hanasho leh, Hoggaan hirasho leh
Ururka Xaqsoor laba arrimood ayuu kaga duwan yahay saddexda xisbi iyo lixda urur ee ku tartamaya doorashada dawladaha hoose ee Somaliland. Middi waa hogaamiyaha oo haldoor ah. Midna waa mabda’a ururka oo xaqsoor ah.
Hogaamiyaha ururka
Xasan Ciise Jaamac, waa halyey caan ah. Waa halyey ku caan baxay xaq-u-dirirka oo caddaalad-sugista iyo xaqsoorku dhiiga kaga jiro. Dorraad, xaq-u-dirire ayuu ahaa oo wuxuu hormuud ka ahaa raggii ka dhiidhiyey dulimigii iyo caddaalad-daradii taliskii Siyaad Barre kula kacayey reer Woqooyiga. Tusmeeye ayuu ka ahaa ka mid ah aasaasayaashii jabhaddii dib-u-xoraynta Somaliland ee SNM. Lafdhabarna ayuu u ahaa guddidii afarta nin ahayd ee 1981kii loo xilsaaray dhismaha SNM.
Shalay, 1991kii wuxuu noqday madax-weyne ku-xigeenka koowaad ee Somaliland. Labo sanno ka dib, markay isaga iyo Cabdirahmaan Tuur xilka wareejiyeenna ma dudin. Guddoonkii guurtida wuu raacay oo wuxuu ku noqday London. Labaataneeye ku dhawaad sanno uu London degganaana, ma moogayn kaalintiisa, maradiisa siyaasadeedna dhooqo ma taaban. Kaalintiisa ma moogayn, baahida dalkiisa iyo dadkiisa kama hagar la’ayn. Sida daymada diinka ayuu dusha ka dhawrayey baylahda dalka sidii loo daryeeli lahaa.
Maantana, waa taas ta ku soo celisay siyaasadda dalka. Markuu arkay in midnimadii dacalada madmadow galay, markuu arkay in nabaddii dalku dacalka bari dildilaac u halis tahay, ayuu ka adkeysan waayey dalkiisa hooyo. Xasan xag-u-dirire, ururka xaqsoor baa ku sharfay hogaanka ururka iyagoo kalsooni weyn ku qaba inuu yahay haldoorka Somaliland ee yagleeli kara nabadda beelaha, quweyn kara midnimada qaranka, kana midhodhalin kara horumarinta dalka.
Dorraad, tusmadii Xasan Ciise Jaamac ee dib-u-xoraynta dalka, waa taas oo maanta waynu ku tanaadnay. Maanatana, waxaan qabaa in hogaankiisa qaranku ku liibaani doono. Xasan waa nabdeeye lagu seexdaa. Waa mideeye lagu nagaadaa. Waa xaqsoore lagu hirtaa.
Mabda’a Xaqsoor:
Xaqsoor waa ururka kaliya ee soo bandhigay habkii lagu gaadhi lahaa caddaalad sugnaata, midnimo toosta, nabad waarta iyo horumar tayooba. Wuxuu aaminsan yahay inuu isku-dheelitirka awood-qaybsiga iyo saami-wadaagga beelaha iyo goboladu tiir adag u yahay midnimada, nabadda, horumarka iyo jiritaanka qaranka.
Xaqsoor macnaheedu waa dhariga gacanta aan wada gelinno. Waa dhib iyo dheefba aan u sinaanno. Waa geela aan wada jiranno. Waa aan wada lisano. Waa caanaha aynu wadaagno. Waa ninna yuu qudhqudhin, ninna yaa la kakabisiin.
Taas macnaheedu maaha, haddii afar bahood oo kala tiri badini neef geela qashaan, afar waaxood ha loo qaybiyo. Waa tiro ha lagu qaybsado. Waa cad ha loo sinnaado. Xaqsoor waa ninna yuu nin cadka ka badsan. Aan soo xooriyee, siday beesha aan ka dhashay ku maahmaahdo, “Waa ninna yuu nin caaro dheeraan!”
Xaqsoor isagoo taas ka ambaqaadaya, wuxuu durba qaatay go’aanno geesinimo leh. Halka xisbi iyo urur walba dhammaan ku-xiggeenka ay siiyeen gobolka Awdal, ururka Xaqsoor wuxuu Cali Sandulle oo beesha Sool ka soo jeeda u magacaabay Ku-xiggeenka koowaad. Halka Axmed Abdi Casood oo Gobolka Selel ka soo jeedana uu u magacaabay Ku-xigeenka labaad ee Ururka. Sanaag iyo Awdalna dhawaan ayuu saddexaad iyo afraad u magacaabi doonaa.
Labadaas go’aan ee geesimida leh ayaa kuu muujinaya in ururka xaqsoor, sida ururada kale, uuna ahmiyad weyn siinayn “sideed ku soo baxdaan”. Balse, uu ahmiyadda koowaad siinayo “sidee dulmi loo tiraa, sidee xaqqa loo sugaa”, isagoo ka duulaya xadiiskii nabigeenna CSWS, “Walaalkaa badbaadi oo hadduu wax dulminayo ka jooji, haddii la dulmiyana wax ka celi!”
Waa gunaanade, Xaqsoor xisbiyada iyo ururrada Somaliland labo ayuu dheer yahay: mabda’a Hanasho leh iyo Hoggaan hirasho leh.
Fadlan halkan ka daawo sawiradda xafladda Xaqsoor uu Ottawa ka qabtay
Prof Maxamed FaaraX Xareed
Wakiilka Ururka Xaqsoor ee Canada
Dhmaanba waxaan halkan ka salaamayaa qorayaasha webkan oo aan dhowaan akhriskiisa bilaabay kadib markuu nin aanu saaxiib nahay igu baraarujiyey bal inaan eego.
Waxaad moodaa in webku xaqiiqda uga dhow yahay webeb badan oo soomaalidu qorto aadna loo yaqaan soomaaliduna daalacato, waxaana ka mid ah OODWAYNENEWS,WIDHWIDHONLINE,HADHWANAAG,ALLPUNTLAND,DAYNIILE,HORUFADHI iyo HIIRAAN ONLINE. aadbaana idiinka mahadnaqayaa balse kordhiya wararka Somaaliya
Haddaan u soo noqdo topickan ma aaminsani xisbigani in uu wax kaga duwan yahay kuwa soomaliland oo dhamaantoodba xaqiiqada ku salaysan beesha dhulbahante iska indha tira. reerkani wuxuu leeyahay 13 isin,aqoonyahan aad u tiro badan siyaasiyiin waawayn oo la yaqaan waagii hore waxaaba la odhan jiray reerku waa qaybsan yahay Maantase sidii shirkii taleex u dhacay talada reerkani meel bay ka godaa calisandulana gacantiisa kuma jirto xaabsadana gacantiisa kuma jirto. xisbi ay taladooda u daba fadhiisanayaana majiro haddii reerkan loo baahan yahay amaba dani idinka dhaxayso meel loogu hagaagay samaysteene haladoono oo wada hadal lala furo taasaan raganimo iyo geesinimaba u aqoon ee dhulbahantaa xisbi arab leeyahay ku xigeen looga dhigay macna ma samaynayso
Cabdirashiid
July 21, 2012 at 5:44 am