Barakacayaal dalbaday gar-gaar, Gaalkacyo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Gaalkacyo July 22, 2012(SDN) Xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa barakacayaasha ku sugan Koofurta magaalada Gaalkacyo waxa ay ka cabanayaan dhibaatooyin Caafimaad xumo oo saameyn adag ku yeeshay.

Max’ed Cabdi Cali oo ka mid ah dhibanayaashaasi ayaa waxa uu sheegay in cuduro iyo nafaqo darro baahsan ay haysato caruurta ku nool xeryaha ay ku jiraan, waxaana uu tilmaamay in aysan jirin cid wax u qabatay.

Shamso Cali oo iyana ka mid ah barakacayaasha ayaa waxa ay ka codsatay  Hay’adaha samafalka inay lasoo gaaraan gar-gaar bini’aadannimo maadaama lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Waa bil Ramadan oo fadli badan, waxaan xusid mudan in qof waliba oo gar-gaar qofka dhibaateysan in uu Alle ajar kasiinayo.

SDN- Gaalkacyo 

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>