Qooqaani July 22, 2012(SDN) Dagaalkaani ayaa waxa uu ka dambeeyay kaddib markii Ciidamada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Aagag Ciidamada dowladda iyo Kenya ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose.
Inta la og yahay seddax ruuxa ayaa ku dhimatay tiro kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kuwaasi oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, waxaana la sheegay in dhinacyadaasi isku adeegasdeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
” Haa waxay ahaayeen nimankii Nabad-diidka ahaa weerar ayay nagu soo qaadeen. laaiin waan ka hortagnay oo waan burburinay weerarkood” sidaasi waxaa yiri Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda oo ku sugan gobolkaasi.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkaasi, inkastoo hadda la sheegayo in xaaladdu ay tahay mid degan, islamarkaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee Kenya ay ku sugan yihiin deegaannadii lagu dagaalamay.
SDN- Qooqaani
Contact@somalidiasporanews.com