Macaamiisha Dahabshiil Bank ee xogtooda la afduubtay oo walaac deris la noqdey

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

London July 22,2012(SDN)-Waxa maalinimadii shalay mar qura laga war helay weerar ay kooxda Anonymous ku qaaday Banka Dahabshiil oo ay ku qafaalatay xogta macaamiisha Baankaas.

Anonymous oo ah koox ku caan baxday weeraro dhanka Computerada ee ay hore ugu qaaday rugo ganacsi oo caalemi ah iyo qaar ka mida hey’adaha amniga ee qaar ka mid ah dawladaha reer Galbeedka.

Anonymous ayaa weerarka ay ku qaaday Banka Dahabshiil ku sababeysay in ay qeyb ka tahay weerar ay xiligan ku qaadeen kooxo ay sheegtay in ay xiriir la leeyihiin argegixisada.

Macaamiisha Dahabshiil ee xogtooda la baahiyay ayaa qaarkood waxa soo wejahay cabsi iyo fadeexado la xidhiidha lacagaha la fashiliyay ee u yaala Dahabshiil Banka.

Dadka walaacsan ayaa u badan Siyaasiyiinta,qurbejooga lacagaha ku keysada Dahabshiil iyo madaxda Hay’adaha ka been sheega hantida shirkadahooda.

Siyaasiyiinta ayaa la isweydiinayaa halka ay waxan oo Aduuna ka keeneen mudada kooban ee ay xilka hayeen.

Qurbejooga ayaa qaar lacago gacan qabada ka hela dawladaha dalalka ay ku nool yihiin waxaana dhici karta in xogta la fashiliyay ay dhibaato dhanka sharciga ah ku keento bacdamaa aaney aheyn in lacagaahsi ay qaataan.

Sidoo kale dhanka Hay’adaha ayaa qudhooda marka la eego lacagaha u yaal Banka Dahabshiil waxa soo baxeysa in mashaariicdii lacagaahsi loogu talo galay aan la fulin.

Si kastaba ha ahaatee waxa 24kii saacadood ee dunbeeyay dadku ay ku xoomeen xogta Dahabshiil Bank ee la shaaciyay iyada oo qof waliba uu baarayo cid waba oo uu magaciisa garanayo.

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>