Nairobi July 22, 2012(SDN) Hay’adda daryeelka Caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in caruur gaaraysa ilaa iyo 8-milyan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya ay wajahayaan dhibaato isku jirta macluul iyo cunna yari.
Xafiiska UNICEF ee Magaalada Nairobi ayaa waxa uu ku sheegay in malaayiin caruur ah ay wali baaqi ku siiyihiin raadadka abaarihii ku dhuftay sanadkii hore gobolka Geeska Afrika, kuwaasi oo u baahan daryeel u badan Nafaqeyn.
UNICEF ayaa sidoo kale ka digtay saameyn ka dhalata dhibaato heysata dad gaaraya 2.5-milyan oo Soomaali ah kuwaasi oo wali u baahan in ay helaan gar gaar aadminimo oo deg deg ah.
Qaramada Midoobay ayaa wali ka digaysa dhibaatooyinka iyo xaaladaha nolol xumo ee ka jira waddanka Soomaaliya.
SDN- Nairobi
Contact@somalidiasporanews.com