Rag ka tirsan Al Shabaab oo lagu qabtay Yemen

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Abyan July 22, 2012(SDN)   Ciidamada la dagaalanka Aargigixisada ee dalka Yemen ayaa gacanta ku dhigay dad Soomaali ah oo sida la sheegay xiriir la leh Ururka Al Shabaab ee dagaalada ka wada waddanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Abyan ee wdadanka Yemen Waxiid  Rashiid ayaa u sheegay wargeyska  Yemen Post in ciidamadooda ammaanka ay gacanta ku dhigeen 4-ruux oo Soomaali ah oo uu ku sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

” Dadkaani waxay gaarayaan 4-ruux, waana Soomaali, waxaa la qabtay iyagoo dooni kasoo dagaya, waxay doonayeen inay ka bar bar dagaalamaan Aargigixisada Yemen, wali baaritaanno ayaan kusii haynaa” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha gobolka Abyan ee wadanka Yemen.

Bishii March ee sanaadkaan ay waddanka Yemen waxaa tagay in ka badan 300 oo dagaalyahanno oo Soomaali ah kuwaasi oo Shabaab ka tirsan sida ay sheegeen Saraakiisha Yemen.

Yemen ayaa la tacaalaysa ka hortagga Al-qaacidada Dalkaasi, waxaana marar badan ay shaaca ka qaadeen Saraakiisha dalkaasi in Ciidamo ka tirsan Al Shabaabay soo gaareen gudaha dalka Yemen si ay garab usii yaan Ururka Al-qaacidada Yemen.

SDN- Abyan

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>