Suleymaan Xaglotoosiye oo ka boqoolay Garoowe kiyoon Faroole la kulmin

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Garoowe July 22,2012(SDN)-Hogaamiyihii Jabhadii SSC ee dhawaanta kulanka horudhaca ah la yeeshay madaxweynaha somaliland ayaa maalmihii u danbeeyay waxa uu ku sugnaa caasimada maamul goboleedka Puntland.

Saleebaan Xaglotoosiye ayaan saxaafada la hadal intii uu joogay Garoowe mana cada ujjeedada dhabta ah ee uu halkaa u tegay.

Warar xogogaal ah oo aanu helay ayaa sheegay in uu halkaa u tegay mid ka mida Caaqilada reer Buuhoodle ee fadhiisintiisu tahay Garoowe,si uu maraa ugu qanciyo isbedelka siyaasadeed ee uu damacsan yahay.

Sidoo kale waxa uu Xaglotoosiye ka boqoolay Garoowe kiyoon la kulmin madaxweynaha maamul goboleedka Md Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Si kastaba ha ahaatee waxa somalidiasporanews.com loo xaqiijiyay in Saleebaan Xaglotoosiye xalay ka anbabaxay Garoowe kiyoo ku sii jeeda dhanka Buuhoodle ka dibna ay dhici karto in uu uga sii gudbo Hargeysa.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

One Response to Suleymaan Xaglotoosiye oo ka boqoolay Garoowe kiyoon Faroole la kulmin

  1. waa yaab talow muxu raba hogaamiyaHAsi
    kolay dan uunbu ka leeyahay

    somaliland wa la ogan

    hana abdi
    July 26, 2012 at 9:05 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>