Gaalkacyo July 23, 2012(SDN)- Saraakiisha Ciidamada amniga ee Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay nin la shegay in uu ka tirsanaa burcad badeeda islamarkaana dilay nin kale oo burcad badeeda.
Sababta uu ninka kale ee burcad badeeda ahaa u dilay ninkaani oo isna ka tirsan isla burcad badeeda ayaa ka dambeysay kaddib markii ay isku khilaafeen qaadasha lacago Madax furasho oo laga qaaday Maraakiib ay soo afduubteen sida ay qaxiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Galmudug.
Taliyaha qeybta booliska ee degmada Hobyo Cabdiweli Xasan Xirsi ayaa sheegay in ay wadaan daddaal ku aaddan sidii ay uga hortegi lahaayeen dhibaatooyinka burcad badeeda, ayna billaabi doonaan howlgallo ay uga sifeynayaan burcadda degmadaasi.
“ Waxa marar badan ayay ka dhaceen degmada, waana ka hortaggaynaa, ciidamada ayaa hadda howlgallo bilaabay” sidaasi mar kale waxa yiri Taliyaha qeybta booliska ee degmada Hobyo.
Xeebta degmada ayaa la aaminsan yahay in lagu soo xiro Maraakiibta ay soo afduubtaan Kooxaha burcad badeeda Soomaalida, iyadoo aan jirin illaa iyo iminka tallaabo rasmi ah oo Maamulka Galmudug uu ka qaaday Kooxahaasi.
SDN-Gaalkacyo
Contact@somalidiasporanews.com