Ciidamada Ethiopia iyo Ahlu Sunna oo duulaan ku ah Ceel-buur

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Ceel-buur July 23,2012(SDN)- Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo kuwa Ethiopia ay dha qdhaqaaqyo ballaaran ka wadaan Bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Ethiopia oo wata dabaabaad culus ayaa waxa ay dhaqdhaqaaqyo Militeri ka wadaan deegaanno iyo Tuulooyin ku dhow-dhow degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

AL Shabaab ayaa heysata degmada Ceel-buur, waxaana saxmadda ciidan ay ka taagan tahay meelo u dhow degmadaasi, iyadoo Askarta is garabsanaya ay u muuqdaan kuwa doonaya in Ceel-buur ay la wareegaan.

Dad ku sugan deegaan 25-KM xaga Galbeed ka xiga Ceel-buur oo ayaa xaqiijiyay in Boqolaal askarta Ethiopia oo Ahlu Sunna ay wehlinayaan ka gudbeen deegaankaas, iyagoo ku wajahan Ceel-buur.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana Saraakiisha Ahlu Sunna ay sheegayaan in lagama maarmaan tahay inay qabsadaan guud ahaan gobolka Galgaduud.

SDN-Ceel-buur

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>