Muqdisho, 24, July 2012 (SDN) Labo askari ayaa la sheegay in xalay ay isku dileen degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir kaddib muran soo kala dhexgalay askartaasi.
Goobjoogayaal la hadlay Website-ka Caalamiga ah ee Qurbejoog.com ayaa u xaqiijiyeen in labo askari xalay ay isku dileen gudaha degmada Dharkeenlay gaar ahaaan Xaafadda Tawakal ee Magaalada Muqdisho.
“Labadoodu xabado ayay isku fureen, waxayna cabsanaayeen waxyaabaha maanka dooriya, mid ayaa dhaawac ahaan loo qaaday midna wuxuu ku dhintay isla goobta, laakiin midkii kale isna wuxuu ku dhintay Isbitaalka gudahiisa” sidaasi waxa yiri goobjooge ku sugan halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa saakay arrinkaani hadal haya, waxaana la sheegay in goobta ay gaareen Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Dharkeenlay ee Dowlada KMG Soomaaliya kuwaasi oo kasoo qaaday qoryaha askartii halkaasi isku dishay.
Ma ahan mid cusub inay is dilaan Ciidamo ka mid ah Dowladda, wallow marar badan ay dhacday inay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda ay isku disho Muqdisho.
SDN- Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com