Balcad, 24, July 2012 (SDN)Qaraxaani ayaa maanta Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya waxaa lagula eegtay degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe halkaasi oo uu ka dhashay qasaaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa Qurbejoog.com u xaqiijiyay in Ciidamada qaraxa lala eegtay islamarkaana ay arkayeen gaari Cabdi-bele ah oo ka baxaya qiiq iyo uuro cirka isku sii shareeraysa, waxaan ay sheegeen inay arkeen waxyeello askarta Dowladda kasoo gaartay qaraxaasi.
Hal ruux ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday qaraxa tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo la tibaaxay inay ahaayeen Ciidamo ka mid ah Dowladda KMG ah.
” Qarax wuu xogganaa, Ciidamada Dowladda aya lala eegtay, waxaa uu ahaa Miino, aniga waxaan arkay dhaawaca askar ka tirsan Ciidamada Dowladda” sidaasi waxa yiri goobjooge ku sugnaa halka uu qaraxa Miino ka dhacay.
Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana Ciidamada Dowladda ay sameynayanan Howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Qurbejoog.com haddii Alle Inoo saamaxo
SDN- Balcad
Contact@somalidiasporanews.com