Muqdisho July 25,2012(SDN)- Ururka AL Shabaab ay u cago jugleeyay Odayaasha dhaqanka ee shirka ugu socda Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu Ururku sheegay inay yihiin kuwa god ku riday dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Kooxda Al Shabaab u qaabilsan gobolka Banaadir Sheekh Max’ed Abuu C/raxmaan oo la hadlay Idaacad ku hadasha afka Kooxdaasi ayaa waxa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka ee shirka ugu scoda Magaalada Muqdisho ay tallaabo cad ka qaadayaan.
Sheekh Max’ed ayaa tilmamay in Odayaashaasi ay wataan wadamada reer galbeedka islamarkaana ay doonayaan inay god ku ridaan Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in tallaabo ay ka qaadayaan Odayaasha dhaqanka sida uu hadalka u dhigay.
Marar badan ayaa Kooxda Al Shabaab waxa ay u hanjabeen Odayaasha shirka ugu socda magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku eedeeyeen inaysan ka shaqeynayn danaha Umadda Soomaaliyeed.
SDN- Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com