Gaalkacyo July 25,2012(SDN)- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa soo saaray wareegto uu ku magacaabayo guddiga doorashada ee maamulkaasi.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabiddaas ay ka dambeysay si looga hortago khilaaf iyo ismaandhaaf keeni kara burbur ku yimaada Maamulka Galmudug.
Sidoo kale, waxaa lagu xusay in aysan jirin guddi doorasho oo horey uu u magacaabay madaxweynaha iyo cid uu u wakiishay arrintaas, iyadoo lagu qeexay wareegtada in Caalin uu yahay qofka xaqa u leh in uu magacaabo guddiga doorashada iyo guddiga ballaarinta.
Guddiga doorashooyinka Galmudug ee uu magacaabay madaxweynaha ayaa ka kooban 11 xubnood waxayna kala yihiin.
1- Tahliil Kediye Cismaan
2- Maxamuud Warsame Guutaale
3- Macallin Maxamuud Sheekh Maxamed Kulan
4- Maxamed Ciise Jaamac
5- Axmed Maxamed Xaashi
6- Cabduqaadir Xalane Xersi
7- Bashiir Cali Dhoore
8- Cismaan Cabdulaahi Sheekh Cismaan
9- Cismaan Cadceed Cilmi
10- Cismaan Sheekh Maxamed Macallin
11- Maxamed Axmed Cilmi
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in xubnaha guddiga ballaarinta dib laga soo sheegi doono.
Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ku kala qeybsan guddiga doorashada iyo xilliga la qabanayo doorashooyinka, iyadoo uu jiro guddi kale oo doorasho kaas oo uu dhowaan magacaaabay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed.
Guddiga uu magacaabay Cabdisamad Nuur ayaa maxkamadda maamulka Galmudug ku tilmaamtay in uu yahay mid sharci darro ah.
SDN- Gaalkacyo
Contact@somalidiasporanews.com