Isku dhacyada Ciidamada DKMG oo kusoo badanaya Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho  July 25,2012(SDN)- Iska horimaadkaani ayaa waxa uu ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir halkaasi oo uu ka dhacay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah iyo Ciidamadii kawada tirsanaa Dowladda ee dagaalamay.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in Ciidamo ka mid ah Dowladda oo ku sugnaa Xaafadda laabeeriya ee degmadaasi ay weerar ku qaadeen Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda, islamarkaana halkaasi ay ku geeriyoodeen labo ruux, ayna ku dhaawacmeen labo kale kuwaasi oo isugu jira dad rayid ah iyo Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.

” Xalay ayay aheyd waxaa uu iska horimaadka ka dhacay Xaafadda Laabeeriya ee degmada Waaberi, Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo dagaalamaay ayay ahaayeen, qasaaro ayaa ka dhashay” sidaasi waxaa qurbejoo.com u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Ciidamo kale oo ka tirsan Militariga Dowladda ayaa gaaray goobta ay israsaaseyntu ka dhacday, waxaana Saraakiil hoggaaminaysay Ciidamadaasi ay dhex galeen Ciidamii halkaasi ku dagaalamay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Waaberi ee Dowladda KMG ah oo ku aaddan iska horimaadkaani, inkastoo inta badan Muqdisho ay ka dhacaan isku dhacyo u dhexmara Ciidamada Dowladda oo qasaaro u gaysta dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

SDN- Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>