Muqdisho July 25,2012(SDN)- Qarax ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya waxaa lagula eegtay degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal la hadlay Website-ka Qurbejoog.com ayaa sheegay in maanta qarax Bambaano lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah oo ku sugnaa Xaafadda Daba-kaayo Madow degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.
Inta la’og yahay lex ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kuwaasi oo sida la sheegay isugu jiray askar iyo dad shacab ah, waxaana la tilmamay in dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo tiro badnaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho sida y sheegeen dad goobjoogayaal ah.
” Bamka markuu qarxay, Ciidamada xabado ayay dhinacyada u fureen, dad badan ayaa arkay oo dhaawac, waxan arkay Ciidamo ka tirsan Dowladda oo iyagoo dhaawac ah la saarayo Gawaarida gaashaaman” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa goobta gaaray, waxaana socda baaritaanno xooggan oo ku aaddan cidda ka dambeya qaraxaasi, waxaana la sheegay in Ciidamada ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan qaraxaasi.
Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo baaritaanno, inkastoo hakad ku yimid isu socodka gaadiidka iyo dadka uu iminka dib u furmay.
SDN- Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com