Shirka ansixinta Dastuurka oo ka furmaya Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho July 25,2012(SDN)- Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo maalmahaan uu dib u dhac ku imaanayay.

Xasan Maxamed Jimcaale ayaa u sheegay Qurbejoog.com in shirka maanta oo Arbaco ah ay xukuumada ku hanweyn tahay inuu si rasmi ah u furmo oo uusan baaqan.

Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in shirkaani uu socon doono Muddo Sagaal “9” maalin ah ,isagoo sheegay in maanta ay tahay maalinta furitaanka shirka.

Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in Odayaasha dhaqanka maalintii shalay ay bilaabeen soo xulista xildhibaanada barlamanka cusub ee Dalka Soomaaliya.

Wuxuuna cadeeyay in Xildhibaanadaasi ay Odayaasha soo gudbinayaan 30 bishaan,lana dhaarin doono 31 bishaan sida uu sheegay wasiirku xigeenka wasaarada dastuurka iyo arimaha Federaalka.

SDN- Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>