Dhadhaab July 26, 2012(SDN) – Qaraxaani oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in Ciidamada Kenya lagula eegtay Xerada Dhadhaab xilli ay marayeen gudaha Xeradaasi.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu waxyeeleeyay gaari ay saarnaayeen Ciidamada Kenya iyo dad raydi ah, waxaana la tilmaamay in qaraxa ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 6-ruux oo isugu jira Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya iyo dad rayid ah.
Dhaawaca ayaa loo cararay Xarumaha Caafimaad, waxaana durba goobta howlgallo ka bilaabay Ciidamo kale oo ka tirsan booliska Kenya kuwaasi oo aan la’ogeyn cidda ay kusoo qab qabteen.
Xaaladda Xerada uu qaraxa ka dhacay ayaa cabsi laga dareemay, waxaana la maqlay rasaas ay fureen Ciidamada Kenya sida ay sheegayaan goobjoogayaal.
Majiro cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa, wallow Ciidamada wali ay wadaan howlgallo baaritaanno ah.
“Ciidamada ayaan kusoo toosnay saakay oo wada baaritaanno, marka mana qaano cidda ay kusoo qab qabteen, laakiin waxaan dareemaynaa cabsi” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka ku jira Xeradaasi.
Kenya waxaa aafeeyay falal ammaan darri iyo weeraro lagu qaado tan iyo markii ay ciidamadeeda soo galleen gudaha dalka Soomaaliya, xilligaasi oo ay Shabaabku ku cago jugleeyeen dagaal ka dhan ah dalka Kenya.
SDN- Dhadhaab
Contact@somalidiasporanews.com