Tahriibayaal Somali ah oo lagu xir xiray Masar

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Khaahira July 26, 2012(SDN) – Tahriibayaal Soomaali ah ayaa lagu xir xiray Xabsiga dalka Masar, iyagoo loo diiday in dalkoodu ay kusoo laabtaan.

Dadkaani ayaa lagu qayaasay tiradoodu inay gaarayaan ku dhawaad 10-qof oo Soomaali ah, waxaana Ciidamada booliska dalka Masar ay kasoo qabteen sida la sheegay Magaalada Alexandria ee dalka Masar.

“Dadkan waxaa lagu xiray Xabsi ku yaalla Masar, waxay rabeen in qaab sharci darro ah ay ugu baxaan gudaha dalkaasi, laakiin booliska ayaa qabtay, qaarkood waxay haystaan Kaarar aqoonsi oo ay siisay Hay’adda qaxootiga ee UNHCR” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka Soomaali ah ee ku dhaqan dalkaasi.

Bishii hore ayay aheyd markii 9 qof oo tahriibayaal Soomaali ah laga soo qabqabtay Magaalada Alexandria ee dalka Masar xilli ay isku dayayeen in dooni sharci darro ah ay ka raacaan halkaas.

SDN- Khaahira 

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>