Qarax ruxay aaga shirku uga socdo ergada ansixineysa Dastuurka

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho July 27,2012(SDN)-Waxa goordhaweyto uu qarax culusi ka dhacay aag aad ugu dhaw goobta ay ku shirayaan ergada ku hawlan ansixinta dastuurka cusub ee dalka Soomaaliya yeelanayo.

Qaraxan oo ka dhacay goob fariisin ay ka sameysteen ciidamada dawlada ee ilaalada ka heysa goobta shirku ka socdo ee School Booiisiyo ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Gaadhi yiilay wadada ay ciidamadu ilaalada kaga jireen ay mar keliya qarxay,mana cada in gaadhiga la isticmaalay iyo in miinadu hoos tiilay.

Waxaan ilaa haa cadeyn saameynta uu qaraxani shirka ku yeeshay,iyo cida ka danbeysay.

Dhawaan uun bay aheyd kolkii kooxda Al Shabaab ay hanjabaada u soo jeedisay ergada shirka ansixinta dastuurka ka qeybgaleysa.

Wixii ka soo kordhada dhacdadan kala soco halkan.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>