Xeryaha Tababrada Shabaabka oo laga helay raashin mucaawino aah loo bixiyay oo ay dheceen

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Laanta Buuro July 27,2012(SDN)-Ciidamada AMISOM ee dhawaanta gaaray xero Shabaabku ay dagaalyahada ku tababari jireen oo ku taal Laanta Buuro ayaa waxa loogu tegay raashin gargaar oo ay kooxdaasi dhacday.

Hore ayaa dhawr jeer hey’adaha gargaarku ugu eedeeyeen kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya in ay dhacaam raashinka gargaarka ee shacabka tabaaleysan loogu deeqo.

Ciidamada Midawga Africa ee hawlgalka ku qabsaday xerada Laanta Buuro ayaa soo bandhigay in ka badan 500 oo joonyadood ama Kiish oo raashin mucaawino ah.

Hay’adaha Gargaarka ee wadaniga ah iyo kuwa caalemiga ayaa isku si u canbaareeyay falkan ay Shabaabku ku dheceen raashinka mucaawinada ah.

Kooxda Al Shabaab oo lugtii u danbeysay mudaba haatan ku taagneyd ayaan ilaa iyo haatan jawaab ka bixin fadeexadan.

SDN-Laanta Buuro

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>