Muqdisho July 29, 2012(SDN) – Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay dileen Saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM kaddib weeraro gaadmo ah oo ay ku qaadeen.
Afhayeenka dhinaca howlgallada ee Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacad ku hadasha Afka Kooxda Shabaab ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Al Shabaab ay weerareen fariisimo Ciidamada Dowladda Deegaanka Siinka Dheer halkaasi oo ay ku dileen Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM.
“Waxay mujaahidiinta weerar ku qaadeen Ciidamada AMISOM, waxay dileen labo askari oo Burundees ah, marka dagaalka waa la is daalinaa mooye ma istaago” sidaasi waxa yiri Abuu Muscab.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aaddan dilkaasi, inkastoo Al Shabaab lag saaray Muqdisho iyo duleedyada haddana ay soo qaadaan weeraro qorsheysan.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com