Bambaanooyin lagu weeraray Ciidamada DKMG, Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho July 29,2012(SDN)- Qaraxaani oo ahaa Bambaanooyinka nuuca gacanta laga tuuro ayaa Ciidamo ka mid ah Dowladda xalay waxaa lagu weeraray xilli ay ku sugnaayeen Isgoyska Carwo-idka ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in uu qasaaro kasoo gaaray dad rayid ah.

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen goob lagu iibiyo waxyaabaha mac macaanka ah, waxaana la tilmaamay in labo ruux oo ku hubaysan Bambaanooyin ay ku tuureen Ciidamada, kadibna ay isaga baxsadeen goobtaasi.

Dadk ayaa qasaaro kasoo gaaray sida ay sheegayaan dadka deegaanka ah, waxaana la tilmaamay in Ciidamo ka mid ah Dowladda oo gaaray halkaasi ay sameeyeen howlgallo aan la ogeyn illaa iyo iminka cidda lagu soo qab qabtay.

Saakay ayaa xaaladdu waxa ay tahay mid degan, waxaana Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Saraakiishooduba ay sheegeen inay ku daba jiraan kooxihii qaswadayaasha ahaa.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>