Dagaal ka dhacay Yurkud

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Yurkud July 29, 2012(SDN) – Dagaalkaani oo ahaa mid culus islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa xalay waxa ay ka dhaceen deegaanka Yurkud ee xadka gobolada Bay iyo Gedo.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in Madaafiicda iyo rasaasta ay dhinacyadaasi isku rideen ay ku hoobatay guryo ka sameynaa Cooshado oo ay deganaayeen dad rayid ah.

“ Xaaladda hadda way degan tahay, nimankii sharwadayaasha ahaa ayaa nasoo weeraray laakiin qasaaro ayay naga faa iideen, marka bal aan aragno haddii ay naga guuleysanayaan, cidna iskuma diidana in Al Shabaab ay yaraatay awoodooda” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

8-ruux ayaa ku geeriyooday tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen kuwaasi oo ahaa dhinacyadii dagaalamay sida ay Website-ka Qurbejoog.com dadka deegaanka ah.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab, hase ahaatee wararkii ugu dambeeyay ayaa hadda waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin deegaannadii lagu dagaalamay.

SDN-Yurkud

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>