Muqdisho July 29, 2012(SDN) – Maxkamadda sare ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in wax lala yaabo ay tahay in Dastuurka aan lagu xusin Garsoorka.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka aysan ku caddayn Xuquuqda garsoorka iyo shaqada qaar ka mid ah masuuliyiinta maxkamadda sare, waxaana sidaasi daraadeed uu codsaday in arinkaasi dib u eeggis lagu sameeyo oo wax laga badalo.
Ilka-xanaf ayaa dhinaca kale caddeeyay in garsoorayaasha Maxkamadda ay haysto amni xumo iyo dhaqaalo darro taasi oo uu sheegay inay keentay inay gudan waayaan shaqadoodii, isagoo xusay in la dilay in ka badan toban garsoore, taasina aan wali wax laga qaban.
Arrintaani ayaa kusoo biiraysa cabashada kasoo yeeraysa shacabka oo ku aaddan Dastuurka oo la sheegay inay wax badan ka qaldan yihiin.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com