Garbahaarey July 29, 2012(SDN) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi Ciidamo ka mid ah Dowladda KMG Soomaaliya howlgallo ay ka sameeyeen ay kusoo qab qabteen waxyaabaha qaraxa iyo sanado Militari.
Cidamada ayaa la sheegay inay dhowr bambaanooyin kasoo saareen goob ganacsi ah oo ku taalla gudaha Magaaladaasi, waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG ah ay sheegeen inay bambaanooyinkaasi la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka shacbka ah.
“Dhowr miino ayay ahaayeen Ciidamada ayaa qarxiyay saakay, dadka oo dhan ayaa ka naxay, waayo waxay ku jireen meel lagu ganacsado, AL shabaab ayaa lagu eedeeyay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Ciidamada ayaa Saraakiishoodu sheegay inay wadayaan howlgallada illaa laga xaqiijinayo ammaanka, waxaana ay ugu baaqeen dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan si looga hortago falalka ammaan darri.
SDN-Garbahaarey
Contact@somalidiasporanews.com