Boqolaal ciidan oo Shabaab ah oo soo gaaray Jowhar

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Jowhar July 30, 2012(SDN)-Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee  Xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in saakay duleedyada iyo daafaha Magaaladaasi lagu arkayo Ciidamo badan oo ka mid ah Al Shabaab kuwaasi oo wata gawaari dagaal.

Ciidamada Al Shabaab ayaa ku wargalinaya dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar inay is dejiyaan islamarkaana ay taageeraan Al Shabaab, waxaana ay ugu baaqeen shacabka inay ka hortagayaan cadow ay sheegeen Saraakiishu inay duulaan kusoo yihiin Magaalada Jowhar.

“ Saakay Magaalada waxa is qabsaday gawaari ay leeyihiin Ciidamada Al Shabaab oo dagaal ayaa diyaar loo yahay sidaan maleynayo, waayo shalay waxa la yiri Ciidamada DKMG ayaa kusoo fool-leh Jowhar, marka shacbka un baan ka mid nahay ee Allah na bad baadsado” sidaasi waxa laga soo xigtay nin da’ah oo ku sugan Magaalada Jowhar.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay ka ruqaansadeen Magaalada Balcad iyagoo u jeedkoodu ahaa inay gaaraan Magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

SDN- Jowhar

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>