Matabaan July 30,2012(SDN)- Xiisado dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa ka jira degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan halkaasi oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna ee ku sugan degmadaasi.
Dadka deegaanka ayaa saakay sheegaya in xaaladdu ay tahay mid kasan, islamarkaana ay arkayaaan gawaari gaashaaman oo ay labada dhinaca wataan, waxaana ay tilmaameen in xilli waliba la fillan karo dagaal xooggan oo dhexmara dhinacyadaasi.
” Xaaladda way xun tahay cabis ayaa jirta, labada dhinac way isku hub urursanayaan, xalay illaa saakay waxaan maqlaynay xabado goo goos ah, dhinac ka mid ah degmada Matabaan barakac ayaa ka bilowday” sidaasi waxa yiri qof ku sugan degmadaasi.
shalay ayaa degmada Matabaan waxaa ku dagaalamay Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca kaddib markii ay isku qabsadeen gacan ku haynta degmada oo uu wali ka taagan yahay muran.
Wixii warkan kusoo kordha kala soco Qurbejoog.com
SDN-Matabaan
Contact@somalidiasporanews.com