Hakad ku jira Garoonka Gaalkacyo iyo digniin loo jeediyay Diyaaradaha

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Gaalkacyo July 30, 2012(SDN)- Waxaa Shirkadaha Diyaaradaha looga digay inay ka degaan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaasi oo shalay lagu garaacay Madaafiic xooggan.

Duuraan Xuseen Geeddi oo sheegtay Mas’uuliyadda duqeyn loo gaystay Garoonka Gaalkacyo  ayaa waxa uu sheegay in duqeymaha ay sii wadayaan islamarkaana shiradaha ay ugu digayaan in Diyaaradahooda  ay kasoo dejiyaan Garoonka Gaalkacyo.

“Anigaa hoggaamiye u ah Kooxihii shalay Madaafiicda ku garaacay Garoonka Gaalkacyo, arrinkaasi waxa sabab u ah Maamulka Garoonka oo naga xoogay dhul aan xaq u leenahay oo ku yaalla meel aan sidaasi ugu fogeyn Garoonka” sidaasi waxa yiri Duuraan Xuseen Geeddi.

Wali waxa hakad ku jira dhaq dhaqaaqa Garoonka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in Kooxahaasi mar kale ay duqeymo xooggan ka gaystaan gudaha Garoonkaasi.

SDN- Gaalkacyo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>