Dad Walaalo ah oo lagu dilay Gaalkacyo, Mudug

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Gaalkacyo July 31,2012(SDN)- Wararka ka imaanaya Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in xalay kooxo hubaysan gudaha Mgaaladaasi ay ku dileen labo ruux oo walaalo ah.

Sida ay ku waramayaan saakay dadka deegaanka ah, Kooxaha oo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa waxa ay dileen Col Cabdullahi Maxamed Xasan (Farey) iyo Cismaan Maxamed Xasan xilli ay kasoo baxeen Masjid ku yaalla Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in labadaasi ruux ay caan ka ahaayeen Magaalada.

Lama oga sababta loo dilay labadaani ruux ee walaalaha ah, hase ahaatee Kooxaha dilka gaystay oo tiradoodu gaarayso illaa 3-ruux ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland oo halkaasi ka sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah soo kordhin.

“Labadooda Masjid ayay kasoo baxeen, kaddibna waa la toogtay oo bastoolado ayaa lagu dhuftay, labada nin ee la dilay Caan ayay ka ahaayeen Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Saakay ayaa lagu arkayaa goobta uu dilka ka dhacay Ciidamo badan oo ka tirsan Maamulka Puntland kuwaasi oo wada howlgallo, inkastoo illaa iyo iminka aan la ogeyn cidda ay kusoo qab qabteen.

Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa mararka qaar ka dhaca dilal iyo qaraxyo qorsheysan, wallow inta badan dilalka ka dhaca Magaaladaasi loo badiyo inay sal ku leeyihiin aanooyin qabiil.

SDN- Gaalkacyo

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>