Muqdisho July 31,2012(SDN)-Degmada Kaaraan ayaa xalay waxaa lagu toogtay mid ka mid ah Illaalada Dekadda wayn ee Magaalada Muqdisho, waxaana toogtay kooxo hubaysan oo aan la garaneyn cidda ay yihiin.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in Marxuumka la toogtay lagu magcaabo Xasan Cismaan Xaaji islamarkaana Kooxo ku hubaysan bastoolado ay dileen xalay isagoo dukanaya Salaad sunno ah xilli uu ku sugnaa masjid ku yaalla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
” Salaad ayuu dukaanaayay Kooxo ayaa ugu galay Masjidka, kadibna xabado ayay ku fureen, naxdin ayaa gashay Jameecadii ku jirtay Salaadda Cisahaha” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.
Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay dhinacyada u fureen rasaas cabsi iyo baqdin galisay dadka deegaanka ah, iyadoo xaaladda degmada gaar ahaan Xaafadda uu dilka ka dhacay oo lagu magacaabo Yaaqa ay kacsan tahay.
Dilalka qorsheysan ayaa inta badan waxa ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, iyadoo illaa iyo iminka aan jirin cid wax ka qabatay dhibaatooyinkaani.
SDN- Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com