Ku dhawaad 10-ruux oo lagu dhaawacay Mandheera, Kenya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Mandheera August, 03, 2012 (SDN)- Kooxo hubaysan ayaa Magaalada Mandheera ku dhaawacay dad gaaraya 9-ruux.

Sida ay Qurbejoog.com u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Magaalada Mandheera, Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari ay leedahay Hay’ad lagu magacaabo KO-KOK oo ku sugnaa gudaha Magaaladaasi.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 9 uux oo ka tirsanaa shaqaalaha Hay’adda oo ka howlgasha gobolka ay haysato Kenya ee Waqooyi Barri.

Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta deegaanka uu weerarka ka dhacay oo ku dhow xadka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay xaaladooda aad u liidato  kaddib markii ay aad u dhiig baxeen, waxaana uu xusay ragga weerarka fuliyay ay ahaayeen kuwa u xiran wajiyada.

Deegaanada ku dhow dhow xadka dalka Kenya ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka dhacayay weeraro sababay qasaaro iyo afduubyo lagula kaco dadka iyo Mas’uuliyiinta Kenya.

SDN, Mandheera

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>