Kampala August, 03, 2012 (SDN)- Ciidamo boolis ah oo ka socda dalka Uganda ayaa soo gaaray dalka Soomaaliya sida uu xaqiijiyay Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska dalka Uganda, ahna madaxda booliska caalamiga ah ee Interpol u qaabilsan dalka Uganda oo lagu magacaabo Martin Amoru.
Martin Amoru ayaa waxa uu sheegay in dafcaddii ugu horeysay oo boolis ah oo tiradoodu ay gaareyso 56 askari ay shalay ka soo duuleen Garoonka diyaaradaha ee Entebbe Air port ee ku yaalla dalka Uganda.
“Waxaan todobaadkii hore aan tababar u soo gabagabeenay 140 Saraakiil boolis ah, waxana ay ku soo wajahan yihiin dalka Soomaaliya” ayuu yiri sarkaalkan sare oo ka tirsan ciidamada booliska dalka Uganda.
“Ciidamada booliska ee hadda jooga Somaliya waxay shaqadoodu noqon doontaa xaqiijinta ammananka Muqdisho” sidaasi waxa yiri Martin Amoru.
Arrintaani ayaa imaanaysa xilli labo bil ka hor markii midowga Afrika uu si toos ah u sheegay in dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho la keenayo ciidamo u kala dhashay dalalka Uganda iyo Nigeria.
SDN, Kampala
Contact@somalidiasporanews.com