Afgooye August 04, 2012(SDN) Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM Al Shabaab ay kala wareegeen deegaanka Lambar 50-tan iyo deegaanno kale oo ku dhow dhow.
Afhayeenka Ciidamada Xoogga dalka Jen. Cali Caraaye Cosoble ( Gacma-duule) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Ciidamada ay la wareegeen Garoonka Lambar 50-tan iyo deegaanno kale oo ay ka mid tahay Aala-Yasir iyo tuulooyin ku dhow sida uu hadalka u dhigay.
“Ciidamada saakay ayay ka baxeen deegaanka laanta-buuro, waxay qabteen Garoonka Lambar 50-tan iyo deegaanno kale, maba arrag Cadowgii Al-qaacidada ahaa, way jabeen, qorshaha kan xigga waxa uu yahay in la qabto Marka” sidaasi waxa yiri Sarkaalkaani ka tirsan Ciidamada Xoogga.
Xaaladda deegaannada ay la wareegeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa degan sida ay sheegayaan Saraakiisha dowladda.
Al Shabaab waxa lagala wareegay deegaanno iyo degmooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sh/hoose, iyadoo inta badan Saraakiishoodu sheega in xeelado dagaal ay ugu baxeen halkaasi.
SDN- Afgooye
Contact@somalidiasporanews.com