Gaalkacyo August 04, 2012(SDN) Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland ayaa howlgallo lagu soo qab qabtay burcad badeeda waxa ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.
Sida ay xaqiijiyaan Saraakiisha Ciidamada ammaanka ee Maamulka Puntland, Ciidamada ammaanka ee Maamulkaasi ayaa howlgallo ay ka sameeyeen Xaafadaha Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo waxa ay kusoo qab qbateen Kooxo la sheegay inay ka tirsan yihiin burcad badeeda Soomaalida.
Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug Jaamac Max’ed Axmed oo u xaqiijiyay Warbaahinta ayaa sheegay inay howlo xagga amniga ah ka wadaan Woqooyiga Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
“Waxaa nagu soo badatay dhibaatooyinka Kooxaha burcad badeeda ay ku hayaan dadka shacabka ah, marka tallaabo ayaan ka qaadaynaa, hadda waxan haynaa kuwa aan kusoo qab qabanay howlgallada” ayuu yiri Jaamac Max’ed Axmed
Ugu dambeyntii Saraakiisha Maamulka Puntland ee Woqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in ay xiligaan jiraan kooxo Burcad ah oo dhaca Taleefanada Mobile-ka ah oo ay ka dhacayaan dadka ku dhaqan Gobolka.
SDN- Gaalkacyo
Contact@somalidiasporanews.com