Baardheere August 08,2012(SDN)- Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Al Shabaab ay bilaabeen in dadka halkaasi ku dhaqan ay ka ururiyaan Sako, iyagoo dadka arrinkaasi ka biyo diidanaya u taxaabaya Xabsiga.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Website-ka Qurbejoog.com ayaa sheegay in Ciidamada Al Shabaab ay ku amreen dadka ku dhaqan Magaaladaasi inay bixiyaan Sakada haddii kale tallaabo laga qaadi doono.
Hoggaamiyaha Al Shabaab ee gobolka Gedo, Cabbaas Cabdullahi oo ka hadlay Idaacad ku hadasha afkooda oo ku taalla Baardheere ayaa sheegay in dadka ay tahay in sakada ay Al Shabaab soo mariyaahn, si iyaga ay u sii bixiyaan.
Dadka qaar ayaa amarka Al Shabaab u arka mid ka hor istaagaya inay sakada siiyaan dadka ay ku waajibto.
Gobolka Gedo waxaa ku sugan dad badan oo ay aad u sameysay abaartii ku dhufatay qeybo ka mid ah Somaaliya sanaddii 2011-ka, kuwaas oo qaarkood ku xoolo beelay abaarta.
SDN-Baardheere
Contact@somalidiasporanews.com