Mombasa August 08,2012(SDN)- Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay ka cabanayaan mushaar xumi soo wajahday.
Sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua, Guddoomiye ku xiggeenka Ururka Midowga Africa Erastus Mwencha oo qudbad ka jeedinayay Kullan Magaalada Xeebeedka Kenya ee Mombasa ay ku yeesheen Hoggaamiyayaasha Midowga Afrika ayaa sheegay in xilligan dhaqaale xumi tii ugu darneed ay soo wajahday Ciidamada AMISOM.
Erastus Mwencha ayaa tilmaamay in lacag yarida heysata Ciidamada AMISOM ay sababi karto in Maandheytkooda uu gaari waayo Waqtigii loogu talagalay ama uu dib u dhac ku yimaado dagaalka Askarta AMISOM ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.
“Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay 300 oo Million oo Dollar ayaan ku qarash gareynay daabilidda Ciidamadeena, gaadiidka ay adeegsadaan oo Taangiyada ay ka mid yihiin iyo sahayda loogu tala galay iyo Helicopterada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mwencha.
Guddoomiye ku xiggeenka Midowga Afrika Erastus Mwencha ayaa sheegay in hadafka Howlgalka AMISOM uu yahay in Soomaaliya laga bad baadiyo dagaaliyahannada Al-Qaacidda oo uu xusay inay kusoo qul qulayaan Wadankeena iyagoo ka bar bar dagaalanaya Xarakada Al Shabaab, balse AMISOM aysan ka fakareyn dhaqaalaha soo gala.
Sikastaba AMISOM ayaa hadda dagaal adag kula jirtay Kooxda Al Shabaab oo dhibaatooyin ba an ku haya dalka Soomaaliya.
SDN-Mombasa
Contact@somalidiasporanews.com