Barnaamijkii Suaalaha iyo Jawaabaha Diiniga iyo Maanta

Filed under: Dacwada,Wararkii ugu Dambeeyay |

Berlin Aug 08,2012(SDN)-Akhristeyaal waxa aan maantana halkan idiinku heynaa barnaamijkii Suaalaha iyo Jawaabaha oo aanu uga faaideysano kororsiga aqoonta diinteen Islaamka.

1-Su�aal Sheeg xilligii ay kulmeyn C/laahi Binu Xudaafa iyo Boqorkii Xukumi jiray Ruum ee Qaysar?

2-Su�aal Sheeg kumaa yiri qof walbo oo Muslim ah waxa waajib ku ah inuu dhunkado madaxa C/laahi Binu Xudaafa Rc?

3-Su�aal Sheeg sanadkee ayuu C/laahi Binu Xudaafa la-kulmi Boqorkii xukumi jiray Faaris waa Kisraa�e?

4-Su�aal Sheeg kumaa lagu sababay inuu dilo Kisraa?

5-Su�aal Sheeg C/laahi Binu Xudaafa sanadkii uu la-kulmay Boqorkii Qaysar?

6-Su�aal Sheeg sanadkii uu geeriyooday C/laahi Binu Xudaafa Rc?
JAWAABAHA

Jawab 1: Waxay kulmeyn Xilligii Cumar Binu Khadaab Rc.

Jawab 2: Waxaa sidaasi dhahay Amiirkii Muslimiinta Cumar Binu Khadaab Rc.

Jawab 3: Wuxu la-kulmay sanadkii 6-aad ee hijriyadda.

Jawab 4: Waxa lagu sababay wiilkii uu dhalay ee Shiiraweeh.

Jawab 5: Wuxu la-kulmay Sanadkii 9-aad ee Hijriyadda.

Jawab 6: Wuxu geeriyooday sanadkii 34-aad ee Hijriyadda.

waxaaa soo diyaariyeey: jamac maxamed xandule.

jamaca143@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>