Afgooye August 08,2012(SDN)-Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG Soomaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay deegaanka Lambar 50-tan duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Dad deegaanka ayaa u xaqiijiyay Website-ka Qurbejoog.com in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen deegaanka Lambar 50-tan islamarkaana ay dileen Guddoomiyihii deegaankaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Xasan.
” dagaalka waxa uu ahaa mid xooggan, Ciidamada dowladda iyo AMISOM si wanaagsan ayay kaga hortageen Ciidamada Al Shabaab, qasaaro marka laga reebo guddoomiyaha waxa kale ma jiraan oo iyagu ayaan qasaaro gaarsiinay” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda KMG ah ee ku sugan degmada Afgooye.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa hadda wada howlgallo baaritaanno ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanka,iyadoo Saraakiil u hadashay AL Shabaab oo la hadlay Websiteyo ku hadla Afkoodu ay sheegeen in xalay guulo ay gaareen.
Inta badan gobolka Sh/hoose ayaa waxa ka dhaca dagaalo xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo garab sanaya AMISOM iyo AL Shabaab.
SDN-Afgooye
Contact@somalidiasporanews.com